skip to content
Primary navigation

Maxaa Loo Jecel Yahay Minnesota?

Ganacsi guul laga gaaro oo kobca waxaa aasaas u ah shaqaale iyo xirfado, hal-abuur iyo qalab casriga ah, kaabayaal, nolol-wanaag, iyo taageero kale oo lagu soo jiito shirkadaha.

Marka la eego intaas oo dhan, ma jirto meel la mid ah Minnesota. Hadda ku soo biir.

Bedka Dhulka: 206,232 kiiloomiitir oo isku-wareeg ah | Tirada Dadka: 5.7 malyan | Shaqaalaha Diyaarsan: 3.1 malyan

Dakhliga Guud ee Gobolka (GSP): $412 bilyan | Celceliska Dakhliga Dadka GSP: $72,190

flying-minnesota-somali

fortune-500-somaliShirkadaha Waaweyn & Magacyada Alaabtooda Caanka ah

Minnesota waxay xarun u tahay tobaneeyo ka mid ah shirkadaha dunida ugu waaweyn iyo alaabo ay caan ku yihiin. Shirkadahaas 16 ka mid ah waxay ku jiraan kuwa dunida uga lacagta badan (Fortune 500s); daryeelka caafimaadka dunida ugu fiican Mayo Clinic; Cargill, oo ah mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dunida ugu weyn; iyo Medtronic, oo xarunteeda maamulka ku leh gobolkan.

Maalgelinta Shisheeye ee Minnesota

In ka badan 900 shirkadood oo ay leeyihiin shisheeye – oo laga leeyahay 40 dal – ayaa ku yaalla gobolka Minnesota. Waxaa u shaqeeya ilaa 170,000 oo qof oo maalgelintoodu waxay ka badan tahay $36 bilyan oo ah dhismeyaal, warshado iyo qalab kala duwan oo ugu rakiban Minnesota.

Tusaaleyaal kale waxaa ka mid ah:

  • Allianz
  • Daikin Applied
  • Geringhoff
  • Takeda
  • Uponor
  • Olympus
  • Rosenbauer
  • DiaSorin
  • Doosan
  • Kerry Ingredient

Shirkadaha Waaweyn ee Minnesota

Wax-soosaarid

  • Qeybta wax-soosaarka Minnesota waa lafdhabarta dhaqaalaha gobolka.
  • Minnesota waxa ay aad ugu fiican tahay wax-soosaarka qalabka casriga ah, sida kambuyuutarrada iyo qalabka korontada, qalabka caafimaadka, iyo qalabka baabuurta.
  • Wax-soosaarkii la dhoofiyey waxay ahaayeen $19 bilyan sannadkii 2020.

Culuunta-noolaha

  • Minnesota Medical Alley waa #1 Kooxaha Qalabka Casriga ah ee Caafimaadka ee Mareykanka oo dhan, oo waxa kale oo gobolkan ku yaalla isbitaal dunida ka ah #1, oo la yiraahdo Mayo Clinic, iyo weliba ceymiska caafimaadka ee dalka oo dhan ugu weyn, oo la yiraahdo United Healthcare Group iyo in ka badan 1,000 shirkadood oo ka shaqeeya daryeelka caafimaadka.
  • Minnesota dunida oo dhan ayey hoggaanka u haysaa hal-abuurka culuunta-noolaha iyo qalabka casriga ah oo waxay kaalinta 1aad uga jirtaa dadka ugu badan ee sameysta diiwaangelinta baatentiga qalabka caafimaadka.
  • Shirkadaha qalabka caafimaadka ee gobolkan xarunta ku leh ama si kale uga muuqda waxaa ka mid ah Medtronic, Boston Scientific, Abbott, iyo 3M Health Care.
  • Qeybaha kale ee muhiimka ah ee culuunta-noolaha ee gobolkan waxaa ka mid ah daawasameynta, baayoolajiga, daaweynta shakhsiga ah, barnaamijyada casriga ah ee kambuyuutarka ee diiwaanka bukaanka, daaweynta dibu-sameynta unugyada jirka, daaweynta hidde-raaca, cilmi-baarista unugyada asalka jirka aadanaha iyo habka daaweynta lagu sameeyo fogaan-aragga.

Qalabka Casriga ah ee Tamarta Nadiifka ama Dabiiciga ah

  • ecosphereMinnesota waxay ka mid tahay shanta gobol ee ugu horreeya tamarta dabiiciga ah oo waxaa aad ugu kobcaya shirkadaha habka casriga, sida shidaal loo isticmaalo waxyaabo kala duwan oo ah tamar nadiif ah oo loo soo saaro hab casri ah, waxaana ka mid ah shidaal aan dhulka laga qodin oo ay weheliso hab casri ah oo lagu soo saaro biyaha dhulka iyo korontada laga dhaliyo dabeysha iyo qorraxda.
  • Marka la eego qalabka casriga ah ee biyaha, shirkadaha dunida ugu waaweyn ee ka shaqeeya biyaha la cabbo iyo nadiifinta biyaha wasakheysan ayaa ku yaalla Minnesota, sida Pentair, 3M, iyo Ecolab. Badeecadaha ay Minnesota dunida kale ka iibisay sannadkii 2020 waxay gaareen $1.2 balyan oo waxaa gobolkan ku yaalla 5-ta shirkadood ee ugu waaweyn ee dhoofiyey qalabka casriga ah ee biyaha iyo nadiifinta biyaha wasakheysan Mareykanka oo dhan.
  • Dhinaca kale ee korontada qorraxda, waxaa tamarta nadiifka ah ahmiyad gaar ah siiyey tasiilaadka maamulka gobolka iyo danaha shirkadaha waaweyn ee ay ka mid yihiin 3M iyo Xcel Energy iyo shirkado kale oo yaryar oo aad u kobcaya.
  • Shirkadaha Minnesota waxay sameeyaan qalab casri ah oo loo isticmaalo taleefanka gacanta, waxyaabo kale oo kala duwan oo ah adeegyo looga baahan yahay baabuurta keligood is wada iyo qalabka ay ku shaqeeyaan iyo qalab kale oo badan. Shirkadaha farsamadaas ka shaqeysta waxaa ka mid ah 3M, Polaris, iyo Rosenbauer.

global-food-giantsCuntada iyo Beeraha

  • Wax-soosaarka beeraha, cuntada iyo cabitaanka gobolkan aad buu uga horreeyaa dalka oo dhan, oo waxaa loogu mahad celinayaa hal-abuurka shirkadaha, shaqaalaha aqoontoodu sarreyso, iyo wax-soosaarka xooggan ee beeraha.
  • Minnesota waxay ku jirtaa lambarka shanaad ee Mareykanka oo dhan marka loo eego qiimaha dalagyadii la iibiyey iyo lambarka afaraad ee dhoofinta dalagyada beeraha.
  • Wax-soosaarka cuntada iyo cabitaanka waa suuq aad u weyn oo gobolkan wuxuu ku jiraa lambarka afaraad ee diiwaangelinta baatentiga badeecadaha cuntada marka loo eego tirada dadka.
  • Shirkadaha waaweyn ee cuntada iyo beeraha ee Minnesota waxaa ka mid ah Cargill, General Mills, Land O'Lakes, iyo Hormel – oo sidaas oo ay tahay ayey kuwa cusub ku soo biirayaan sida Puris oo hadda aad u kobceysa.

Qalabka Casriga ah iyo Hal-abuurka

Minnesota waxay leedahay hab ay shirkadaha cusub wax ku bilaabaan iyo fikrado ah hal-abuurid oo kor loogu soo qaadayo.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maamulka gobolka ayaa gacan ka geysta barnaamijyada iyo taageerada shirkadaha cusub – sida kuwa adeegyada hoose, tartanka hal-abuurka, fursado ah in la isku sii xiro maalgeliyeyaasha, iyo lacag deeq u ah hal-abuurka.

  • Minnesota waxay hoggaanka u haysaa shirkadada ugu badan ee qalabka casriga ah, sida qalabka caafimaadka, soosaaridda qalabka korontada iyo Waxyaabaha Intarnetka ku Shaqeeya (IoT).
  • Guusha ugu weyn ee Minnesota waa shaqaalaha aqoonta sare ee qalabka casriga ah oo waa khibrado jiilal badan soo socday.
  • Jaamacadaha cilmi-baarista dowladda iyo shirkado gaar loo leeyahay ayaa si weyn u maalgeliya cilmi-baarista iyo horumarka la xiriirta badeecadaha cuntada, hal-abuurka caafimaadka, qalabka casriga ah iyo tamarta nadiifka ah.
  • Waa gobol lagu haysto baatenti badan, oo Minnesota waxay kow ka tahay diiwaangelinta baatentiga qalabka caafimaadka tirada dadka marka loo eego iyo lambar lix tirada baatentiga guud marka tirada dadka loo eego.
  • Barnaamijka shirkad-abuurka ee Launch Minnesota waa dedaal gobolka oo dhan ka jira oo lagu xoojinayo kobcinta shirkadaha cusub si dalka oo dhan looga arko Minnesota in ay tahay hoggaan.

Hantida Weyn ee Minnesota

Kaabayaasha iyo Gudbinta Badeecadaha

radius-map-somaliWaxaan noo diyaarsan jidweyneyaal, diyaarado, maraakiib iyo intarnet xoog badan si looga warhayo suuqyada dunida oo dhan.

Habka gudbinta badeecadaha iyo suuqgeynta alaabada aad buu gobolkan ugu fiican yahay:

  • Minneapolis-Paul Garoonkooda Diyaaradaha (MSP) oo uu adeegaa 145+ duullimaad ah dalal kale oo toos ah, iyo 19 meelood oo dalka gudihiisa ka mid ah oo – ilaa afar sano oo isku xiga – garoonka waxa uu noqonaayey kan ugu fiican ee garoomada ay is le'eg yihiin ee ku yaalla Waqooyiga Ameerika oo waxaa sidaas sheegay Ururka Garoomada Caalamka..
  • 3 ah J idweyneyaasha gobollada ee interstate (I-90, I-94, iyo I-35
  • 9 garoomo diyaaradeed
  • 7 dekado ah ganacsi oo ku yaalla harada Lake Superior iyo webiga Mississippi River, oo loo furi doono in lagu daabulo alaabada xamuulka dalka gudihiisa iyo dunida oo dhan
  • 4 Jid tareen oo ah Heerka Class I ee qaadista xamuulka oo gudbin kara in ka badan 3,500 Class I oo meyl oo tareen ah (inta ugu badan ee gudbinta xamuulka jidka tareenka waa 4,500 oo meyl oo ay socdaan 21 ah shirkadaha tareenka)
  • 3 goobo ganacsi shisheeye
  • Intarnet xoog badan oo gaaraya halkii ilbiriqsi 25/3 mbps oo ay haystaan in ka badan 90% guryaha Minnesota, oo dad badan ayaa haysta halkii ilbiriqsi 100/20 mbps ama wax ka badan.
  • Alaabada oo la isugu gudbiyo si caalami ah ayaa shirkadaha u suurtagelinaya gudbinta alaabada qeyriin iyo alaabta diyaarsan, ee qeybaha alaabta ay sameeyaan warshadaha gobolka.

Shaqaalaha iyo Aqoontooda

  • Hantida ugu muhiimsan Minnesota – iyo sida ay ugu gacan sarreeyaan tartanka nooc kasta ah – waa shaqaale lagu yaqaan aqoon sare, wax-soosaar, niyad iyo maqnaanshahooda oo yar.
  • Heerka shaqaalaha suuqa ka qeybqaata ee Minnesota (69.2%) waa kan saddexaad ee dalka oo dhan. Waxa uu ka sarreeyaa heerka Mareykanka oo dhan oo ah 61.7%

Waxbarasho iyo Tababar

  • Minnesota waxaa ku yaalla in ka badan 200 oo ah jaamacado iyo kuleejyo dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay, oo waxaa sannad kasta wax ka barta in ka badan 400,000 oo arday.
  • Jaamacadda Minnesota waxa ay ku jirtaa lambarka 9aad marka loo eego jaamacadaha cilmi-baarista ee dalka oo dhan oo kharashkoodu waa – ilaa $922 oo malyan – daraasadaha oo dhan.
  • Gobolkan waxa uu shaqaalaha iyo shirkadaha u hayaa barnaamijyo tababar gaar ahaaneed iyo sidoo kale shaqa-barasho.

Canshuurta iyo Soo-jiidashada

  • Minnesota waxay leedahay hab fudud oo ku fiican shirkadaha dhowraya bay'adda oo gobolkan waa kan 9aad ee ugu hooseeya heerka canshuurta wax-soosaarka ee raasumaalka weyn ee waxtarka leh (Tax Foundation, 2021). Daraasad ayaa lagu eegay dakhliga iyo canshuuraha shirkadaha ganacsiga, kuwa hantida dhulka, kuwa iibinta alaabta, iyo canshuurta lacagta ceymiska shaqa-la'aanta, iyo sidoo kale barnaamijyada canshuurta soo-jiidashada leh.
  • Xarumaha shirkadaha ee Minnesota ayaa sidoo kale ka faa'iidaya qeybta iibinta halka dhinac oo keliya, taas oo macnaheedu yahay saamigooda shirkadda ee yaalla Minnesota gudaheeda oo keliya ayey ka bixin doonaan canshuurta Minnesota.
  • Minnesota ma canshuurto hantida shakhsiga ah ee mashiinka warshadaha iyo haysashada hantida ah dhulka, oo waxaa aad u hooseeya heerka canshuurta dhulka iyo hantida shakhsiga ah. Natiijadu waa in shirkadaha haysta alaabo qaali ah, marka loo eego dhulka ay ku yaallaan qiimihiisa, waxa ay bixinayaan heer ka hooseeya gobollada kale oo canshuurtaas sii kordhiyey.
  • Minnesota ma canshuurto qalabka raasumaalka ah ee lagu isticmaalo wax-soosaarka alaabada ay iibiyaan warshadaha. Waxa kale oo jira dhowr siyaabood oo kale oo la isaga dhaafo canshuurta shirkadaha, sida kharashka rakibaadda iyo dayactirka qalabka warshadaha; waxyaabaha dhismeyaasha lagu isticmaalo, kiimikada iyo shidaalka loo isticmaalo wax-soosaarka warshadaha; iyo adeegyo badan.
  • Barnaamijyada waaweyn ee caanka ah ee ay shirkadahaasi kafaala-qadaan waxaa ka mid ah lacag lagu maalgeliyo in shaqo loo abuuro qoysaska ama Minnesota Investment Fund and Minnesota Job Creation Fund, oo lacagta ay bixiyaan waa ilaa iyo $500,000 iyo $2 malyan sida ay isugu xigaan, oo waxa ay ku xiran tahay waa sababeynta mashruuca.

Guusha Wada-shaqeynta

Gobolkan mar kasta waxa uu taageeraa dadka. Albaabbo furan. Meelo lagu xirnaanayo oo muhiim ah. Helidda macluumaadka. Xallinta dhibaatooyinka. Wax kasta waxaa laga bilaabayaa caawimaad dhab ah, adeegga macaamiisha oo loo hagarbaxo, iyo si sax ah in looga jawaabo baahida gaarka ah ee shirkaddaada.

  • La-taliyeyaal aqoon leh ayaa si aayar ah shirkadaha ugu hoggaamiya habraaca meesha ay rabaan.
  • Waxaan hubnaa in ay shirkaduhu naga heleyaan shaqaale aqoontoodu sarreyso iyo inaan aad ula shaqeyno meherad ahaan iyo waxsoo-saar ahaan tababarka iyo horumarinta shaqaalaha.
  • Minnesota waxa ay ku leedahay xafiisyo dibadeed lix meelood dunida – Kanada, Jabbaan, Midowga Yurub, Dalka Ingiriiska, ASEAN iyo Shiinaha – oo sidaas oo kale wakiillo ayaa kala shaqeeya ilaa shan qaaradood.
  • Khubarada ganacsiga dibadda ee Minnesota Trade Office (Xafiiska Ganacsiga Minnesota) waxay hayaan fikradaha suuqa iyo meheradaha iyo talooyinka farsamada.

Markaad maalgashato gobolka Minnesota, waxa aad si weyn u meelgelineyso waa guusha aad gaareyso – oo guushuna ma aha markaad bilaabeyso oo keliya. Waxaan ku garab istaageynaa mustaqbalkaaga oo dhan. Waan iskaashaneynaa. Waa axdi naga go'an.

Laurence Reszetar, Agaasimaha,
Xiriirka Shirkadaha Caalamka, Minnesota Trade Office (Xafiiska Ganacsiga Minnesota)
Department of Employment and Economic Development (Waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha)
Taleefanka: 651-259-7488
Laurence.Reszetar@state.mn.us

Elise Buchen, Maamule,
Horumarinta Xiriirka Shirkadaha Caalamka, Minnesota Trade Office (Xafiiska Ganacsiga Minnesota)
Department of Employment and Economic Development (Waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha)
Taleefanka: 651-259-7481
Elise.Buchen@state.mn.us

Somali-translations

In ka badan 156 Duulimaad Toos ah aya ka baxa garoonka diyaaradaha ee Minneapolis-St. Paul International Airport

nonstop-flight-map

back to top